Matabaan, April 30- Gudoomiyaha dagmada matamaan ee gobalka hiiraan Maxamed Warsame Xirsi oo waraysi siiyay radio daljir ayaa ka warbixiyay nin ganacsade ahaa oo habeen hore lagaladagay gaari uu saarnaa kaasi oo kayimid magaalada baladwayne ee xarunta gobalka hiiraan kadibna la dilay xili uu ku dhex safrayay magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan.
Gudoomiyaha matamaan ayaa sheegay in ninkaasi loodilay aano qabiil? ka maamul ahaana ay ku raad joogaan shaqsiyaadkii dilkaasi gaystay waxaana uu sheegay in loo maleenayo ragii dilkaasi gaystay inay ubax sadeen deegaanada ay kusuganyihiin ururka alshabaab
Dhanka kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu baaq udirayaan dowlada federaalka soomaaliya iyo cid kasta oo ka qayb qaadan karta sidii loo dajin lahaa xiisadda ka taagan halkaasi.
Diiwaanka Wararka daljir
Matabaan
(S)
COMMENTS