Maamulka degmada oo danyarta Tuli Guuleed raashin gaadhsiiyey

Maamulka degmada oo danyarta Tuli Guuleed raashin gaadhsiiyey

Guddoomiyaha degmada Tuli Guuleed ee gobolka FAAFAN, Md. Guuleed Maxamed Ismaaciil, ayaa shacabka danyarta ah ee degmada gaadhsiiyey caawimaad raashin ah. Guddoomiye Guuleed Maxamed Ismaaciil oo bilihii la soo dhaafay loo magacaabay xilka guddoomiyenimo ayaa ku guulaystay inuu tuulooyin badan shacabkii laga barakiciyey uu dib-u-dajin u sameeyo.

Tuulooyinka dib-u-dajinta loo sameeyey ayaa waxaa kamid ah:
1. Sandacare
2. Uuswayne
3. Dharcaseeye
4. Walgo
5. Ceelmaal
6. Dhuxuloley
7. Feedhacad

Raashinkan caawimaada ah ayaa waxaa iska kaashaday soona gaadhsiiyeyna maamulka degmada
ganacsato ka soo jeeda degmada Tuli Guuleed.

Maamulka degmada Tuli Guuleed oo uu ugu horreeyo Guddoomiye Guuleed Maxamed Ismaaciil ayaa waxay dadaal ugu jiraan sidii ay dib-u-dajin degdeg ah ugu heli lahaayeen shacabka laga soo barakiciyey guryahoodii iyo deegaanadoodii.

 

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com