Maamulka Dhuusamareeb oo soo saaray amaro quseeya bilicda magaalada

Maamulka Dhuusamareeb oo soo saaray amaro quseeya bilicda magaalada

Maamulka degmada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa soo saaray amaro la xiriira dadka iska leh xoolaha ku dayacan wadooyinka magaalada in Muddo 48 saacadood gudahood ah ay ku xareystaan xoolahooda.

Mas’uul u hadlay Maamulka degmada ayaa sheegay in dhowaan la bilaabayo in dhammaan xoolaha lagu arko wadooyinka waaweyn ee magaalada laga ururin doono.

Maamulka ayaa sheegay in la ganaaxi doono neef walba lacag dhan boqol kun oo shillin Soomaali ah.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Galmudug iyadoo inta badan khilaafkii u dhexeeyay siyaasiyiinta Galmudug xal laga gaaray.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com