Maamulka G/Banaadir oo ku amray in la joojiyo isu imaatinka Hotelada iyo maqaayadaha Xeebta Liido

Maamulka G/Banaadir oo ku amray in la joojiyo isu imaatinka Hotelada iyo maqaayadaha Xeebta Liido

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay shirka todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir, kaasoo xalay lagu qabtay xarunta degmada Shingaani.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlay cudurka Coronavirus iyo go’aamo maamulka ka soo saaray, si looga hortago in cudurkan ku faafo bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa ku amray laamaha amniga iyo maamulada degmooyinka in la joojiyo isu imaatinta bulshada, si looga fogaado faafitaanka cudurka Coronavirus, kaasoo uu xusay in si fudud la isaga qaadi karo taabashada iyo neefta.

Guddoomiyaha ayaa si gaar ah carabka ugu dhiftay in la joojiyo isu imaatinka maqaayadaha iyo hotelada ku yaalla Xeebta Liido.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo kulanka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay wadaan wacyigelin ku aadan ka hortagga cudurkan, isagoo xusay in horay loo fasaxay iskuulada iyo jaamacadaha, haatanna la soo saaray amaro lagu xadidayo isu imaatinta bulshada, sida hotelada iyo maqaayadaha ku yaalla Muqdisho, gaar ahaan Xeebta Liido.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com