Waxaa maanta Xarunta Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya ka dhacay kulan gaar ah oo u dhaxeeyay madaxda Wasaarada Waxbarashada iyo maamulka gobolka Banaadir kaas oo ujeedkiisu ahaa shaacinta gudiga diyaarinta xiliga kala guurka Waxbarashada gobolka Banaadir.
Gudigaan ayaa ka kooban 8-Xubnood oo 4-kamid ah yihiin Wasaarada waxbarashada halka afarta kale ay yihiin maamulka gobolka Banaadir kuwaas oo 3-bilood ee soo socota ka shaqeyn doono da’dajinta sidii Wasaarada Waxbarashada ay usoo wareejin laheyd shaqooyinka waxbarashada gobolka Banaadir iyo sidoo kale tayeynta xafiiska Waxbarashada gobolka Banaadir.
War-Saxaafadeed laga soo saarey kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in Inta uu kulanka socday la isku fahmay in Gobolka Banaadir uu la wareego qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir oo sanad dugsiyeeskan ugu horeeya.
Diwaanka wararka
Radio Daljir
COMMENTS
B2109830
sacdiyo shuute xuseen macow
13293
Sakariye
B 2012445
hahuss
B2002285
Soomaali