Maamulka Galmudug oo shaaciyeey kisaas cusub oo Covid-19 ah

Maamulka Galmudug oo shaaciyeey kisaas cusub oo Covid-19 ah

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaacisay in degaannada Maamulkaas markale uu kusoo laba kacleeyay cudurka samareenka ah ee Coronavirus, isla markaana kiisas kamid ah laga helay gobolka Mudug.

Iskuduwaha Wasaarada Caafimaadka Galmudug ee Gobolka Mudug Cabdi Maxamed Xersi ayaa sheegay in baaritaan la sameeyay ilaa iyo hadda la diiwangeliyay halkiis.

Waxaa uu sheegay in Maanta oo arbaco ah Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ay faah faahin rasmi ah ka bixin doono xaaladihii u dambeeyay ee Cudurka COVID-19 ee degaannada Galmudug.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in bilihii la soo dhaafay ay aad u yaraatay hadal-heynta ku saabsan Cudurka Coronavirus, isla markaana bulshada Soomaaliyeed aysan muujineyn wax dadaal looga hortagaayo ah.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com