Maamulka Jubland oo ka war bixiyay Weerar Alshabaab ay ka geysteen gobolka Jubada Hoose

Maamulka Jubland oo ka war bixiyay Weerar Alshabaab ay ka geysteen gobolka Jubada Hoose

Afhayeenka ciidamada Jubbaland, Gaashaanke Sare Maxamed Faarax Daahir, ayaa sheegay in Alshabaab Shabaab ay Weerar kusoo qaaddeen farriisimaha ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin tuulada Buulo Xaaji ee gobolka Jubada Hoose.

Afhayeenka ayaa sheegay sheegay in dagaalkaas khasaare lagu gaarysiiyay Alshabaab, oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Sidoo kale ciidamada Jubbaland inay ka geeriyoodeen labo askari, labo kalena ay dhaawac yihiin. Wuxuu sheegay inuu ciidankooda weli ku sugan yahay meelihii ay ku sugnaayeen markii hore.

Hase ‘ ahaatee, Alshabaab ayaa sheegay maalintii shalay inay la wareegeen gacanta ku haynta Buulo Xaaji, iyagoo sheegay inay halkaas ku dileen lix askari oo ah ciidamada Jubbaland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com