Maamulka Somaliland oo ka hadlay riditaanki xukumadii Xasan Cali khayre

Maamulka Somaliland oo ka hadlay riditaanki xukumadii Xasan Cali khayre

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay Go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay kalsoonidii ugala noqdeen Ra’iisul Wasaarihii dalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Xukuumaddiisii.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa waxaa uu sheegay in Mas’uuliyad darro weyn ay aheyd tallaabadii ay Xildhibaanada Golaha Shacabka xilka qaadista ugu sameeyeen Kheyre oo shaqo badan ka qabtay.

Wasiir Gaaxnuug oo la hdlaayay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay Go’aakaas Deg dega ahaa uu aduunka oo dhaqan iyo Somaliland ku noqday layaab, isla markaana uu ahaa mid ay ka muuqato mas’uuliyad darro.

Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in 30 daqiiqo gudahood ku dhacdo Xukuumadii Federaalka ay Somaliland wada-hadalka kula jirta.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com