Maamulka SSC Khaatuma oo cambaareeyay safarka Muuse Biixi ee Gobolka Sanaag

Maamulka SSC Khaatuma oo cambaareeyay safarka Muuse Biixi ee Gobolka Sanaag

Hoggaanka Sare ee Maamulka SSC Khaatuma ayaa si kulul uga hadlay safarka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu maalmihii la soo dhaafay ku marayay degaano katirsan Gobolka Sanaag.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Mamaulka SSC Khaatuma ayaa waxaa lagu sheegay in safarkaasi uu yahay mid Madaxweyne Muuse Biixi uu doonayo in uu colaad horleh uga huriyo Gobolka Sanaag, isla markaana ay la socdaan dhaqdhaqaaqiisa.

Sidoo kale Warka kasoo baxay Maamulka SSC Khaatuma ayaa waxaa lagu sheegay inay u taagan yihiin nabad, hayeeshee ciddii kusoo xadgudubta ay la kulmi doonaan jawaab culus.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com