Weli Yurub waxaa ka taagan jaahwareer siyaasadeed iyo mid awood la’aan, taas oo keentay in maalina Macron, Madaxweynaha Faransiiska, uu dagaal iyo nukliyeer ku goodiyo, maalinka xigana RW Keir Starmer ee Ingiriisku asna markiisa ku goodiyo in ay Ukraine difaacayaan, ammaanka Yurubna sugayaan.
Shalay waxay ahayd maalin kale, una eg mid Macron uu shacabka Faransiiska u diyaarinayo dagaal soo fooleh. Macron oo shacabkiisa la hadlaya ayaa yiri, “Ruushku waxa uu maanta khatar ku yahay Faransiiska iyo Yurub.” Intaas wuxuu ku sii diray in Faransiisku diyaar u yahay in uu nukliyeerkiisa ku difaaco Yurub, taas oo macnaheedu yahay in uu jiro welwel in Mareykanku ka baxayo NATO, hubkiisana ka raranayo.
Macron ayaa si cad uga horyimid nabad ka dhalata Ukraine, wuxuuna nabaddaas ku macneeyey Ukraine oo Ruush isku dhiibtay, wuxuuna sheegay in maanta oo ah 6da bisha Maarso uu Paris ka dhacayo shir madaxda militariga Yurub si dagaal loogu diyaargaroobo.
Diyaargarowga dagaal ee Macron ku goodinayo ayaa u eg mid Mareykanka dabin loogu dhigayo si uusan ciidamadiisa ugala bixin Yurub. Badi dalalka Yurub oo aan Ingiriiska iyo Faransiisku ku jirin ayaa si cad u sheegay in aysan ciidan aan Mareykan la socon marnaba Ukraine u diri doonin.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Lavrov oo ka jawaabaya hanjabaadaha Macron ayaa sheegay in hanjabaadaha Macron ee nukliyeerka ay yihiin khatar soo wajahday Ruushka.
Afhayeenka Madaxweynaha Ruushka oo asna ka jawaabay handadaadaha Macron ayaa sheegay in xaalku yahay Faransiisku nabad ma rabo ee dagaal buu rabaa, asaga oo sii raaciyey, “Xuduudaha Ruushka waxa ku soo siqayaa waa NATO, mana jirto meel Ruushku ugu soo dhawaaday Yurub.”
Lavrov ayaa si qayaxan u sheegay, “Haddii ciidan Yurub ay soo galaan Ukraine annaga waa noo NATO oo Ukraine soo gashay, dagaalkana qayb ka ah.”
La soco go’aamada shirka madaxda ciidamada Yurub oo hadda Paris ka socda.
> Daljir Media
COMMENTS