Madasha Badbaado Qaran oo qoraal cabasho ah ugudbisay Beesha Caalamka (Akhriso)

Madasha Badbaado Qaran oo qoraal cabasho ah ugudbisay Beesha Caalamka (Akhriso)

Madasha Badbaado Qaran oo maalmo ka qor looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kuna mideysan yihiin Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare oo hoggaaminaya Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ayaa soo saaray warqad furan ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo.
Warqadan oo ay u qoreen Beesha Caalamka, sida Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, UK, Midowga Afrika, Ururada Caalamka ayaa waxay sheegeen in Madaxweyne Farmaajo ay sharciyada ka dhamaatay, isla markaana uu awoodda ciidan u adeegsanayo dano shaqsi ah.

“Madasha Badbaadada Qaranka waxay bogaadineysaa dadaalka wada-hawlgalayaasha Caalamiga ah ee looga sii gudbayo qalalaasaha siyaasadeed ee hadda jira oo ay abuureen doorashooyinka daba dheeraaday. waxay si kal iyo laab ah u soo dhaweynaysaa hadalkii Xog-hayaha arimaha dibada Mareykanka ee fikirka iyo dagdaga ah ee doorashada Somalia & daneeyeyaasha muhiimka ah ee geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaan ala wadaagnaa dareen isku mid ah oo deg-deg ah oo loogu gudbayo doorashooyinka”ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa ay sheegeen in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku guuldareystay inuu hoggaamiyo hannaan doorasho oo ku saleysan is afgarad sharci ah iyo cadaalad loo dhan ah oo ah mas’uuliyada ugu dambeysa ee Madaxweyne kasta, ayna tahay aas aaska amniga iyo horumarka mustaqbalka dalka.

Madasha Badbaado qaran ayaa sheegay in Farmaajo uu wiiqay dadaal kasta oo wanaagsan oo xal lagu gaari lahaa, isagoo ka soo tagay miiska wada hadalka shirkii Dhuusamareeb 4.

Waxaa kaloo ay ku eedeeyeen inuu qalqal amni uu ka abuurayo Gobolka Gedo, isla markaana saacadihii la soo dhaafay uu ku daad-gureeyay ciidamo, taasoo ay sheegeen inay meesha ka saareyso heshiiskii Guddiga farsamada ee Baydhabo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com