Madasha Xisbiyada Qaran oo sheegay in Ciidamada Itoobiya hogaanka AMISOM Aysan qayb ka ahayn

Madasha Xisbiyada Qaran oo sheegay in Ciidamada Itoobiya hogaanka AMISOM Aysan qayb ka ahayn

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa mar kale ku celiyay in Ciidamada Itoobiya ee aan ka mid aheyn howlgalka AMISOM in laga saaro gudaha dalka.

War saxaafadeed ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran oo ku qornaa afka English-ka ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan tahay in lagu xadgudbay Qaranimada Soomaaliya, siyaasadda dalnimo madax banaanida siyaasadeed iyo cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ee la saaray sanadkii 1992 ee tirsigiisu ahaa 733 ee iyo qaraarkii Qaramada Midoobey 2520 ee soo baxay sanadkan 2020.

Madasha ayaa caddeeyay tirada dhabta ah ee Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, waxaana lagu caddeeyay inay gaarayaan 19,626 askari, waxaana ay joogitaanka dalka u heystaan sharciyad ay ku howlgalaan illaa 28-ka bisha Febraayo 2021, si ay gacan u geystaan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale Madasha ayaa farriin u diray Qaramada Midoobey iyo Wakiilada Beesha Caalamka, iyagoo ku baaqay inay il gaar ah lagu eego faragelinta qaawan ee Itoobiya ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan qeyb ka aheyn howlgalka AMISOM ayaa ku sugan qeybo ka mid ah Gobolada dalka, waxaana la sheegay in ciidankii dhowaan soo riday diyaaraddii ay laheyd Shirkadda African Express ee ku burburtay degmada Bardaale ay ahaayeen ciidamo aan ka mid aheyn howlgalka AMISOM.

Diwaaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com