In ka badan 20 Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka dowladda Puntland ayaa kulan kula qaatay degmada Qardho madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
Xildhibaanadan ayaa saaka ka soo ambabaxay magaalada Garoowe waxayna madaxweynaha u sheegeen in ay u wadaan dhambaal raaligelin ah oo ku saabsan arrinta Xildhibaan Cawil Xasan Daad.
mudaneyaasha ka tirsan baarlamaanka waxay madaxweynaha u cadeeyeen in hab-dhaqankii ka dhacay Furitaankii Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland ay ahayd wax aan u qalmin dowladnimada Puntland ee 21-sano jirsatey.
Xildhibaanada ayaa madaxweynaha ka codsaday in la cafiyo Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo ay Xeer illaalintu’na ka laalabato dacwadda ay ka gudbisay Xildhibaanka.
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo si qoto dheer u dhegaystay mudaneyaasha baarlamaanka ee magaalada Qardho ugu yimi arrintan darteed ayaa waxa uu ka aqbalay codsiga ay u soo jeediyeen.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.
COMMENTS