Madaxda DFS iyo kuwa maamul goboleedyada oo ku wajahan Dhuusamareeb iyo amniga magaalada oo aad loo adkeeyay

Madaxda  DFS iyo kuwa maamul goboleedyada oo ku wajahan Dhuusamareeb iyo amniga magaalada  oo aad loo adkeeyay

Shirka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmyo magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Kulankan ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka dhacaya Soomaaliya.

Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa sidoo kale looga arrinsan doonaa sida lagu xalin karo khilaafka ka taagan doorashada oo ugu weyn yihiin arrinta Gedo, Guddiyada ee la magacaabay iyo arrinta Xildhibaanada Gobolada Waqooyi.

Ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa siweyn loo adkeeyay, iyadoona sugida amniga ay iska kaashanayaan laamaha amniga Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka.

Madaxda mamaul goboleedyada Puntland, Jubblanad, Koonfurgalbeed iyo Hir-shabeele ayaa ku wajahan maanta Dhuusamareeb.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com