Madaxda Qaaradda Afrika oo Shir Uga Furmayo Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Itoobiya

Madaxda Qaaradda Afrika oo Shir Uga Furmayo Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Itoobiya

Waxaa Maanta lagu waddaa in Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uu ka furmo Shirka Caadiga ee Madaxda Midowga Afrika ,  kaasoo soconaya 3-4 bishan July.

Shirkan caadiga ah ee Madaxda iyo dowladaha ee Midowga Afrika ayaa mid ka mid ah shirarka Ururka Midowga Afrika, waana shirka labaad ee ururka uu yeesho sanad walba, marka laga soo tago shirka guud ee Madaxweynayaasha ee sanadlaha ah.

Mudada uu socdo waxaa ka qaybgelaya shirka inta badan Madaxda Qaaradda Afrika, waxaana shalay gaaray Magaalada Addis Ababa Madax ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha dhowr dal oo ku yaalla Qaaradda Afrika Sida Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Rwanda Pual Kagame.

Soomaaliya ayaa shirkaan waxaa uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaana lagu waddaa in uu shirka ka jeediyo Khudbad dheer oo uu kaga hadlaayo xaaladda Soomaaliya iyo sidoo kale dhibaatootinka ka jira Qaaradda Afrika.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com