MADAXDA YUHUUDA OO DAMBIYO DAGAAL LAGU SOO OOGAY

MADAXDA YUHUUDA OO DAMBIYO DAGAAL LAGU SOO OOGAY

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga (ICC) ah oo dalbatay in danbiyo dagaal lagu soo oogo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisa Difaaca Gallant.

Sidoo kale maxkamadda ayaa codasaneysa iyo madaxda sare ee Xamaas Yaxya Sinwar iyo madaxa ciidamada Maxamed Daa’if ayagana danbiyo dagaal lagu soo oogo.

Xamaas ayaa ku tilmaantay beegsiga la beegtay madaxdooda mid caddaaladda ka fog oo “Maxkamaddu ay simayso kii weerarka ahaa iyo dhibbanihii la weeraray ee dadkiisa difaacayey.”

Madaxda Yuhuudda iyo kuwa Mareykanka ayaa isla markiiba ka horyimid go’aanka maxkamadda ayaga oo maxkamadda ku eedaynaya in aysan jecayl u hayn dadka Yuhuudda.

Kahor Imaatinka Mareynkanku ka horyimid Maxkamadda ayaa ah mid lagu doonayo in shuruucda adduunku aysan qaban Mareykanka iyo xulufadiisa oo kaliya ay noqoto aalad loo isticmaalo ciddii Mareykanka u arko cadow oo kaliya.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com