Madaxtooyada oo beenisay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhiggiisa Masar kala hadlay Arrinta Wabiga Nile.

Madaxtooyada oo beenisay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhiggiisa Masar kala hadlay Arrinta Wabiga Nile.

Qaar kamid ah Warbaahinta dalka Masar ayaa saacadihii la soo dhaafay sheegayay in Madaxweynaha Masar uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya ay ka wada hadleen arrinta Wabiga Nile oo ay isku heystaan Itoobiya & Masar, balse Madaxtooyada Soomaaliya ay Warkaasi beenisay.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar ayaa sheegay in aan waxba kajirin wararka sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhiggiisa dalka Masar kala hadlay arrinta Wabiga Nile.

Wuxuu sheegay in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen kaliya hagaajinta iyo xoojinta xiriirka labada wadan, adkeynta danaha istiraayiijiga ah & ka wada Shaqeynta Arrimaha amniga iyo Waxbarashada.

Afhayeenka oo la hadlayay Idaacadda BBC-da wuxuu sheegay in dalalka Soomaaliya iyo Masar ka dhaceeyo xiriir soo jireen ah oo qoto dheer, isla markaana dowladda Masar ay ballan qaaday in ay ku garab taagnaato Soomaaliya sidii dib loogu dhisi lahaa dowladnimadeeda.

Ugu dambeyn Afhayeenka Madaxweynaha wuxuu sheegay in mowqifka dowladda Soomaaliya ee Arrinta Wabiga Nile uu yahay in si nabad ah looga wada faa’iideysyo Wabiga Nile iyada oo la raacayo xeerarka Caalamiga ah ee degsan.

Xiriirka dowladaha Masar iyo Soomaaliya ayaan wanaagsaneyn sanadihii la soo dhaafay, waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh oo boowasho rasmi ah ku jooga dalkaas uu wadaa sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii labada dowladood, isla markaana loo xoojin lahaa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com