Madaxwaynaha Eriteriya oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho iyo ammaanka oo la adkeeyey

Madaxwaynaha Eriteriya oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho iyo ammaanka oo la adkeeyey

Madaxwaynaha Eriteria Asias Afawerki ayaa gaaray magaalada Muqdisho, waana booqashadii ugu horaysay tan iyo markii Eriteriya ay xornimada qaadatay oo uu ku yimaado Soomaaliya.

Heesta calanka wadanka Eriteriya ayaa loogu garaacay Muqdisho, waxaana salaan sharaf uu ka qaatay cutubyo ciidamada dowladda ka mid ah.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey Muqdisho waddoooyinka gala garroonka iyo madaxtooyada, iyadoona gawaarida shacabkana loo diiday inay maraan.

Afawarki ayaa Muqdisho kunoolaa sodon sano kahor, isagoo ka mid ahaa hogaanka jamhaddii Itoobiya ee dagaalka kula jirta Mangiste Xeyla Maryam.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com