Madaxwaynaha horay usoo fashilmay Xasan Sheeh oo eedeeyey Farmaajo

Madaxwaynaha horay usoo fashilmay Xasan Sheeh oo eedeeyey Farmaajo

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxameuud oo ku fashilmay inuu mar kalle ku guulaysto doorashadii madaxtinimo ee kadhacday dalka sanadkii 2017kii oo uu kula tartamayay madaxwaynaha hadda Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa eedayn usoo jeediyay dowladda faderaalka.

Xasan Sheekh ayaa ku eedeeyey dowladda inay waxba ka qaban arrimaha gudaha iyo siyaasadda dowlad goboleedyada iyo xiriirka baarlamaanka inuu hagaago.

“Haddii labada aqal ee sharci dejinta ay leeyihiin sidaan kuma wada shaqeyn karno, haddii dowlad goboleedyadii xubinta ka ah dowladda federaalka ay leeyihiin sidaan kulama shaqeyn karno dowladda dhexe, haddii xisbiyada qaarkood ay ka cabanayaan in la caburinayo, lana baal marayo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, sow ma haboona in habdhaqanka siyaasadda iyo sida wax u socdaan wax laga bedelo”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkaan ayuu ka sheegay Xasan Sheekh Maxamuud xaflad lagu daah furayay xafiis cusub oo uu leeyahay xisbiga uu madaxda ka yahay ee UDP oo ay ku jiraan xildhibaano katirsan baarlamaanka ee aqalka hoose iyo aqalka sare.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com