Madaxwaynaha Jabuuti iyo Danjire Keating oo ka wada hadlay xiisadda Tukaraq

Madaxwaynaha Jabuuti iyo Danjire Keating oo ka wada hadlay xiisadda Tukaraq

Madaxwaynaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wakiilka QM ee Arimaha Soomaaliya Danjire Mechal Keating ayaa ka wada hadlay xiisadda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ee Puntland iyo Somaliland.

Danjire Keating oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa madaxwaynaha Jabuuti ku booriyay inuu ka qaybqaato daminta colaadda Tukaraq ka aloosan.

QM ayaa horay ugu guul daraysatay joojinta dagaalka Tukaraq oo ay ku geeriyoodeen boqol qof, kadib duulaan maamulka Somaliland uu kusoo qaaday deegaankaasi.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com