Madaxwaynaha Mareykanka oo isagoo caraysan ka baxay shir uu la yeeshay dimuqraadiga

Madaxwaynaha Mareykanka oo isagoo caraysan ka baxay shir uu la yeeshay dimuqraadiga

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trumo ayaa isagoo caraysan ka baxay kulan uu la lahaa hogaamiyeyaasha Dimuqraadiga ee Mareykanka oo looga wada hadlayay muranka hareeyey Aqalka Cad iyo xisbiyada Mareykanka ee uu ku raadinayo inuu darbi balaayiin doolar ah ku dhiso xadka Mareykanka ee Mexico.

Nancy Pelosi iyo  Chuck Schumer ayaa kulanka ka diiday qorshaha Mareykanka ee maalgalinta darbiga Mexico iyo Mareykanka.

Trump ayaa ku tilmaamay kulanka inau ahaa waxa uu ugu yeeray waqti lumis, waxaana Mareykanka ilaa sideed boqol oo kun oo shaqaalaha dowladda soo wajahay mushaar la’aan isbuucan tan iyo markii uu soo bilowday muranka dhismaha darbiga ee madaxwayne Trump.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka ayaa waxaa uu Trump ku yiri nabadeey hogaamiyeyaasha dimuqraadiga.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com