Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa saakay safar uga baxay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland isagoo ku wajahan deegaanka Buursaalax ee gobolka Mudug.
Wararka ayaa sheegaya socdaalka madaxwaynaha inuu la xiriiro booqasho uu ugu tagayo hooyadiisa oo deegaankaasi ku nool.
Socdaalka madaxwaynaha ayaa kusoo beegamaya xilli maanta loo balansanyahay in lagu dhawaaqo xildhibaanada Puntland ee 2019-2014.
Loolan adag ayaa ka socda magaalada Garoowe oo ku wajahan arrimaha doorashooyinka Puntland kusoo fool leh, iyadoona musharixiinta qaarkood ay codsanayaan doorashada inay noqoto mid loo simanyahay oo hufan.
COMMENTS