Madaxwaynaha Soomaaliya “Ma ogola diinteena Islaamka in la laayo dad aan waxba galabsan”

Madaxwaynaha Soomaaliya “Ma ogola diinteena Islaamka in la laayo dad aan waxba galabsan”

Madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka qaybgalay kulan lagu daah furayay boolis la dagaalama ururka Al-shabaab ayaa waxaa uu sheegay in diinteena Islaamka aanay ogoleen in la laayo dad aan waxba galabsan, waxaana dhanka kalle uu ku amaanay culimada Soomaliyeed inay dadka ay u cadeeyeen fakerka khaldan ee kooxaha dowladda kasoo horjeeda.

“Culamadeennu waa ku mahadsan yihiin howsha ay qabteen, in ay dadka ku baraarujinayaan qof walba oo Soomaali ah in uu istaago uu diintiisa difaacdo, maxaa yeelay dadkan waan ognahay in aysan aheyn dad Islaam ah, Islaamku ma ogola dad aan waxba galabsan in la xasuuqo, Islaamku ma ogola in lala laayo dad shacab ah, islaamku waa diin wanaagsan, oo nabadeed, waa diin hor-umar, waa diin xadaarad leh, waa diin dul-qaad badan, micnaheedu waxa ay tahay in culamadeennu u istaageen in ay dadka u sharxaan, dadkaasi waxaa ay u dagaalaayaan ineysan aheyn Diin” ayuu yiri madaxwayne Farmaajo.

Dhalinyarada booliska ku biiraya ayuu madaxwaynuhu sheegay inay kasoo jawaabeen codsi uu horay uu udiray oo ahaa inay dhalinyarada kusoo biiraan dagaalka ka dhanka al Al-shabaab, kadib weerarkii khasaaraha badan gaystay ee ka dhacay isgooyska Zoobe ee Muqdisho 14kii bishii October.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com