Madaxwaynaha Soomaaliya oo kusii jeeda Itoobiya

Madaxwaynaha Soomaaliya oo kusii jeeda Itoobiya

Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa qorshaynaya safar uu ugu bixi doono wadanka Itoobiya caasimaddiisa Addis ababa.

Wararka aanu ka helayno madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya madaxwaynaha inuu la xiriiro socdaalkiisa ka qaybgalka shirka madaxda Afrika ee Addis ababa oo dhamaadka bishaan kadhacaya halkaasi.

Madaxwayne Farmaajo ayaa sidoo kale ka qaybgali doona shir looga hadlayo arrimaha colaadda ee Koonfurta Suudaan, kaasi oo ay yeelanayaan madaxwanayaasha ururka IGAD oo ay Soomaaliya xubin ka tahay.

Waana shirkii ugu horeeyey ee madaxwaynuhu ka qaybgalo tan iyo markii xukunka uu la wareegay bishii Febraayo ee sanadkii hore.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com