Madaxwaynaha Ukarain “Dowladaha Awoodda Leh way na daawanayaan”

Madaxwaynaha Ukarain “Dowladaha Awoodda Leh way na daawanayaan”

 

Madaxwaynaha Ukarain Zelenskyy ayaa sheegay inay jirin wax garab ku siinaya dagaalka ay kula jiraan ciidamada Ruushka ee weerarka kusoo qaadaya wadankiisa.

Madaxwayne Volodymyr Zelenskyy ayaa ku eedeeyey dowladaha galbeedka inay wax gacan ah u fidin wadankiisa oo kaligood ay dagaal kula jiraan Ruushka.

” Yaa diyaar u ah inay nagu wehliyaan dagaalkan ? ma’ arko wax diyaar u ah oo na taageeraya, yaa damaanad buuxda usiinaya Ukarin xubinimadeeda NATO ? qof walba waa uu baqsanyahay  ayuu yiri isagoo ka hadlyaya shirkiisa jaraa’id xili ciidamada Ruushka ay qabsadeen degmooynka dhaca waqooyiga caasimadda Kiyev.

Zelenskyy ayaa sheegay Midowga Yurub inuu awood uleeyahay oo ay wadankiisa ku difaacaan, waxaana uu ugu baaqay inay qaadaan talaabo aan dib u dhigasho lahayn.

” Kaligeena wadankan difaacayna, dhamaan dowladaha awoodda leh waxay naga daawanayaan habka fogaanta ah,  waxaana uu sheegay tilaabooyinka cunoqabataynta lagu saaray Ruushka ay ahayn wax ku filan oo jawaab u noqon kara dagaalka”

Maxamuud Cabdi Ibraahim.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com