Madaxwayne Farmaajo iyo wafdigii ugu balaarnaa oo Suudaan u dhoofay

Madaxwayne Farmaajo iyo wafdigii ugu balaarnaa oo Suudaan u dhoofay

Madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdigiii ugu balaarnaa ee uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay wadanka Suudaan.

Wafdiga oo ay ka mid yihiin xildhibaano katirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, wasiiro, saraakiil iyo wariyeyaal ayaa waxaa booqashadooda ay salka ku haysaa kadib casuumaad uu maadxwaynaha Suudaan uu u fidiyay dhigiisa Soomaaliya.

Madaxwaynaha ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxwaynaha Suudaan iyo ardayda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan, tan iyo markii xilka uu qabtay madaxwaynaha waxaa uu booqasho ku tagay dalalka Kenya, Itoobiya, Sacuudi Carabiya, Uganda iyo Imaaraatka Carabta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com