Madaxwayne Farmaajo: “Mucaaradku ma ahan kan dowladdaha shisheeye soo raaca” (daawo)

Madaxwayne Farmaajo: “Mucaaradku ma ahan kan dowladdaha shisheeye soo raaca” (daawo)

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxaa uu sheegay in loo baahanyahay mucaarad wax dhisi kara, balse aan loo baahnayn mucaarad dowladnimadooda burburiya.

Isagoo ka hadlayay munaasabaddii ugu wayneed ee Calee Saar oo ay ku kulmaan madaxda dowladda faderaalka iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda ayaa waxaa uu sheegay in loo baahanyahay mucaarad wax dhisa oo sheega khaldadaadka dowladda, balse aan loo baahnayn mucaarad dowlado kalle soo raaca, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxwayne Farmaajo ayaa dhanka kalle aqbalay hadalkii Islaan Ciise ee ahaa in la isa saamaxo, waxaana uu sheegay isagoo baaqaasi islaanka fulinaya inuu cafiyay cid walba, balse isaguna la cafiyo.

Wada shaqaynta dowladda dhexe ee faderaalka  iyo dowlad goboleedyada inuu ka shaqayn doono ayuu balanqaaday, isagoona dhanka kalle Puntland ku bogaadiyay midnimada ay muujisay ee isku tashiga iyo wax wada qabsiga.

Hoos kadhegayso.

Madaxwayne Farmaajo " Mucaaradku ma' ahan kan dowladdaha shisheeye soo raaca" (daawo)

Madaxwayne Farmaajo ayaa dhanka kalle aqbalay hadalkii Islaan Ciise ee ahaa in la isa saamaxo, waxaana uu sheegay isagoo baaqaasi islaanka fulinaya inuu cafiyay cid walba, balse isaguna la cafiyo.

Posted by Radio Daljir on Saturday, January 26, 2019

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • nuurkanederland 5 years ago

    WAA LAYSKU ARKAY XAFLADAAN.
    LKN WAXAA AYAAN DARO AH IN MADAXDA SOMALIYED SHILIMAAD DARTIIS U NOQDAAN TUUL LALEEYAHAY!!!.OO KUWO KASII LIITA TUUL AY U NOQDAAN.SIDA:-KOOXDA XALANE KU JIRTA IWM.
    Ha ILAAWIN:-
    ISIS MADE IN ISRAELI.WHY NOT? FIIRI:
    I=ISRAELI
    S=SECRET
    I=INTELLIGENCE
    S=SERVICES.
    FUCK YOU SELF YOU ARE JEWISH MISSIONRY GROUP & TERRORIST.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com