Madaxwaynihii hore dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo afar ka mid ahaa masuuliyiinta maamulkiisa ayaa lasoo taagay maxkamad ku taala magaalada Addisababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Go’aanka maxkamadda lagu soo taagay ayaa yimid kadib markii baarlamaanka uu xilka ka qaaday dhowaan.
Rabshadaha qowmiyadaha iyo tacadiyo ka baxsan banii’aadantinimada ayaa lagu soo oogay Cabdi Maxamuud iyo saraakiisha lala soo xiray, waxaana saakay laga soo qabtay hoyga uu ka deganyahay magaalada Addisababa.
Hoos ka akhriso saraakiisha lasoo taagay maxkamadda ee wehliya madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar
Ibrahim Mahdi :- Wasiirkii waxbarashada
Abdi jamal Kelonbi : – Wasiirkii Cadaaladda
Cumer Abdi – madixii siyaasadda ee ee xibiga Ethiopian Somali People Democratic Party (ESPDP)
Ibrahim Mohammed Mubarek – Duqa magaalada Jigjiga
Rahma Mohammed : – Wasiirkii haweenka
Iyo Deeq Cabdullaahi
COMMENTS