Madaxweune Erdoğan oo shaaciyay Tirada Dagaal yahanada XAMAAS ee lagu daaweynayo Türkiye

Madaxweune Erdoğan oo shaaciyay Tirada Dagaal yahanada XAMAAS ee lagu daaweynayo Türkiye

Madaxweynaha dalka Türkiga, Rajab Dayib Erdoğan waxa uu markii u horeysay shaaciyey inay in ka badan 1,000 ka tirsan XAMAAS daaweyn ka helayaan Isbitaalada ku yaalla gudaha Türkiye.

Telefishinka LBCI ee dalka Lubnaan ayaa baahiyey inuu Madaxweyne Erdoğan hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo RW Dalka Giriiga, Kyriakos Mitsotakis maanta ku qabteen Ankara.

Waxa uu intaasi ku daray inuu ka xun yahay Aragtida Dowladda Giriiga oo ay XAMAAS ku sifeeyaan Urur Argagixiso.
Hadalkiisa ayaa soo baxay, hal maalin kadib, markii ay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Turkiga, Ibrahim Kalın iyo Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Ururka XAMAAS, Ismaaciil Haniyah Kulan Khaas ah ku yeesheen Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa.

Dhanka kale, Madaxweyne Erdoğan waxa uu Shirkiisa Jaraa’id ku sheegay inuu Kulan wax dhisi Kara la yeeshay RW dalka Giriiga, Kyriakos Mitsotakis, isla markaana uusan jirin wax khilaaf ah oo aan la xalinin.
Waxa uu intaasi ku daray inay Wada-xaajood ku xalin doono wax kasta oo Mashaakil ah oo u dhexeeya Turkiye iyo Giriiga.
Ra’isul-wasaaraha dalka Giriiga waxa uu xusay inay Madaxweyne Erdoğan isla soo hadal qaadeen Qulqulka Muhaajiriinta sharci-darrada, iskuna after Garten inay iska kaashadaan xakamayntooda.
Kyriakos Mitsotakis waxa uu xusay inay Giriiga taageeraan sidii ay Dowladaha Midowga EuropeKaalmo dhaqaale u siin lahaayeen dalka Türkiye oo uu xusay inay dhibaato kala kulmaan dadka Muhaajiriinta sharci-darrada ee ka soo gudba Jesiiradaha kaabiga ku haya Xuduud-Baddeedka u dhexeeya labada dal.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com