MADAXWEYNAHA BURKINA FASO IBRAAHIM TRAORE MUXUU KA YIRI XIRIIR-U-JARKA FARANSIISKA & KAN REER GALBEEDKA
Ayada oo waayahaan ay sii kordhayaan falalka sirdoon iyo kan argagixiso ee ka dhanka ah waddamada isbahaysiga Saaxilka ee Burkina Faso, Mali iyo Niger, ayaa asbuucii hore Madaxweyne Ibraahim Traore oo la hadlaya shacabkiisa wuxuu yiri, “Waxaa Faransiisku na caawinayey in ka badan 64 sano, dalkeenuna wax horumar ah kuma u gaarin caawimaadooda. Hadda haddii aanba ayaga oo dhan ka takhalusnay, ma aha mid na dili doonta, bal se waxay nagu dhiirrigelinaysaa inaan shaqayno oo dib isku habayno si aan u noqono kuwo hiigsada oo gaara iskufilaansho buuxda.”
Dhanka Soomaaliya, argagixisada al-Shabaab waxaa dhidibada loo aasay sannadkii 2006, ayaga oo hal mar fig soo yiri, aana markaas la garan meel ay ka yimaadeen iyo cid ka danbeysay, laakiin dib laga ogaan doono cidda ka danbeysay oo maamulaysay, hubeyneysana. 20 Sano kabacadi oo Mareykan iyo reer Galbeed ay Soomaali u sheegayeen in ay argagixiso la dagaalamayaan, Soomaalina loo diiday in ay ciidan dhisato, laakiin laga adeejiyey Yugaandhees, Itoobiyaan iyo Keenyaan, al-Shabaab in ay sii xoogeysato ma aha e maalin ma wiiqmin. Dhanka Soomaaliya, badi saraakiishii loo soo tababarey ladagaalanka al-Shabaab wax yar baa ka nool, meesha ciidan kasta oo dagaal ka dhan ah al-Shabaab loo abaabulo uu noqday mid jab ma aha aan guul lagu nasto keenin, dibna u kala firxada.
Dhanka caawimada dhaqaalaha, caawino kasta oo shacabka Soomaaliyeed loogu talagalay waxaa la qiyaasay in 80% la musuqmaasuqo, ayada oo lacagtii caawinada madaxda dalku ay ku keydsanayaan bangiyada reer Galbeedka. Reer Galbeedku waa ogyahay qof kasta oo lacagi u taal bangi, waxay kaloo ogyihiin meesha lacagtaas ay ka timid, saas oo ay tahayna in la sii dhiirigaliyo mooyee waligaa arki maysid madax Soomaaliyeed oo Mareykan iyo reer Galbeed dabagaleen oo musuq lagu maxkamadeeyey.
Haddaba su’aasha siyaasiyiinta Soomaaliyeed inta Eebbe garasho siiyey maanta hortaal waa, “goorma ayey garan doonaan waxa uu gartay Ibraahim Traore, taas oo ay caawimaad kasta oo reer Galbeed, mid dhaqaale iyo mid milatariba, waligeed guul ma keenin, mana keeni doonto?”
Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media


COMMENTS