Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Dib ugu Soo Laabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Dib ugu Soo Laabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Madaxwenaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ugu maqnaa magaalada Dhuuso-Mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa caawa oo ay taarikhdu tahay 18 Januaray 2018 waxa uu dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe.

Madaxwaynaha dawladda Puntland oo ay safarkiisa ku welinayeen wasiirka arimaha gudaha ee dawladda Puntland saraakiil katirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.oo malintii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Dhuuso-Mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa safarkiisii shao oo uu ku maqnaa soo gebagebeeyay, kadib markii uu soo dhammaaday shirkii uu kaga qaybgalay magaalada dhuusamareeb uu soo gebageboobay maanta.

Madaxweynaha dawladda Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa waxa ay magaalada Dhuuso-mareeb kaga qayb galeen dhameystirka hishiiska mamulada Galmudug iyo Ahlusunna-Waljameeca.

Dhinaca kale hishiiska labada maamul ee Galmudug iyo Ahlusuna-waljameeca ayaa waxa uu ku soo dhammaaday is afgarad, waxaana magaala madaxda Galmudug oo ahyd magaalada Cadaado laga dhigay magaalada Dhuuso-Mareeb.

Ugu danbeyn madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horeeysay xili habeenimo ah ka soo dagay garoonka caalamiga ah ee genaraal Maxamed Abshir Muuse oo xadhiga laga jaray 08 january 2018.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com