Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Fanaan Cabdi Tahliil Warsame oo xalay ku geeriyoodey Muqdisho.
Cabdi Tahliil Warsame waxa uu dhashay sanadkii 1952-dii, wuxuu ahaa fanaan wadaniya oo noloshiisa inta badan kaga qayb qaatay kobcinta fanka Soomaaliyeed, Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa tiir weyn oo ka baxay suugaanta Soomaaliyeed.
Madaxweyne Deni waxaa uu mar kale uga tacsiyaynayaa shacabka Soomaaliyeed, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoysaskii uu ka geeriyoodey Marxuum Cabdi Tahliil Warsame, wuxuuna Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo.
Diwaanka wararka
Radio Daljir
COMMENTS