Madaxweynaha dowladda Puntland oo safar ugu baxay Muqdisho.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayey ayaa maanta 15 December 2016 waxaa uu safar shaqo ugu amba baxay magaalada muqdisho , isagoo ka qayb geli doona shir ay isugu imaan doonaan madasha wada tashiga Qaran ee arrimaha doorashada Soomaliya.

Madaxweynaha Dawllada Puntland ayaa waxaa safarka ku wehelinaya masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawlada Puntland iyo saraakiil kamid ah Madaxtooyada Dawladda Puntland, iyagoo si rasmi ah Madaxweynaha ugala qayb geli doona shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee ka furmaya magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ka hor safarkiisa warbaahinta la hadlay wuxuuna tilmaamay in isaga iyo wafdigiisu ay Muqdisho u tagayaan ka qayb galka shirar muhiim ah oo ay wada qaadan doonaan Madasha Wada Tashiga Qaran ee Soomaliya.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kalin muhiim ah ka qaatay arrimaha loogu diyaar garoobayo doorashooyinka dalka, isagoo tilmaamay in ay rajaynayaan is beddel siyaasadeed oo Soomaaliya ka hir gala waqtiyada dhow ee inagu soo aadan.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

img_0676 img_0678 img_0680 img_0681 img_0682 img_0684 img_0685 img_0686 img_0692 img_0697 img_0698

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com