Madaxweynaha Galmudug & James swan oo dhuusamareeb ku kulmay

Madaxweynaha Galmudug & James swan oo dhuusamareeb ku kulmay

Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr. James Swan, ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Wefdiga uu hoggaaminayey Ergayga Xoghayaha Guud QM ee Soomaaliya, waxaa qeyb ka ah qaar kamid ah Wakiiladda beesha caalamka sida; EU Nicole Miller, AU Francico Madeira, & IGAD Jamal Ahmed. waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb uu kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka DGM.

Intaa kaddib Wefdiga ayaa loo soo galbiyey Xarunta Madaxtooyadda GM. Halkaas oo ay kulan kula qaateen Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray Arrimaha; Doorashooyinka, xoojinta amniga & Iskaashiga DF iyo DX.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com