Madaxweynaha Galmudug oo ka qayb galay Munaasabad lagu dhaarinayeey Guddoonka Maxkamada & xeer ilaalinta DGM (Sawiro)

Madaxweynaha Galmudug oo ka qayb galay Munaasabad lagu dhaarinayeey Guddoonka Maxkamada & xeer ilaalinta DGM (Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug oo ka qeybgalay musaanabad lagu dhaarinayey Guddoonka Maxkamadaha iyo Xeer ilaalinta DGM.

Munaasabaddan oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda Galmudug ayaa lagu dhaariyay Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Gobalada & kuxigeennada Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug oo dhawaan uu magacaabbay Madaxweynaha Galmudug.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay, Madaxweynaha & Madaxweyne Kuxigeenka DGM, Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka, Gudoomiyaha Maxakamadda Sare,

Xeer-ilaaliyaha Guud, iyo Hanti-dhowrka Guud ee Galmudug, xubno katirsan labadda gole ee dowladda iyo dhammaan howl-wadeennada caddaaladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug Garyaqaan, Cabdullaahi Maxamuud Gacal, oo dhaariyay xubnaha cusub ee guddoonka maxkamadaha iyo xeer ilaalinta ayaa kula dardaarmay in ay si daacad ah ugu adeegaan bulshadda.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey xubnaha cusub ee hay’adda garsoorka,Isagoona faray in ay xilkooda u gutaan si daacad ah oo ay ku jirto danta dalka iyo dadka, ayna ka hormariyaan danta guud middooda khaaska ah.

Madaxweynaha ayaa amray dhamaan laamaha amniga iyo hay’adaha dowliga ah in ay si dhaw ula shaqeeyaan garsoorka, isagoo qirayna in aysan jirin cid sharciga ka sareysa , sharciga hortiisana loo wada siman yahay.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com