Madaxweynaha Galmudug & Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyeed oo kulmay

Madaxweynaha Galmudug & Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyeed oo kulmay

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa gaaray wafdi saraakiil ah oo uu hggaaminayo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, iyada oo siwyen halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Maamulka Galmudug, Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada Dowladda eek u sugan halkaas iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Taliya Ciidanka Booliska Soomaliya (Xijaar ) waxaana ay iska xog-wareysteen dib u habeyn dhawaan lagu sameyn doono Ciidamada Booliska Soomaaliya ee ka howlgalla degaannada Galmudug.

Sidoo kale labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen sugida Amniga ee degaannada Galmudug gaar ahaan Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka labada Aqal iyo dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa la filayaa in uu booqasho iyo kormeer ku tago Saldhigyada Ciidamada Booliska Soomaaliya ku leeyihiin degaannada Galmudug si isbedel iyo tayeyn loogu sameeyo.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com