Madaxweynaha Hiirshabeele oo si kulul uga hadlay taliye lagu dilay Baladweyne (Daawo)

Madaxweynaha Hiirshabeele oo si kulul uga hadlay taliye lagu dilay Baladweyne (Daawo)

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa wacad ku maray cid kastaa oo ka dambeysay dilka Taliyihii Qeybta Boliiska Gobolka Gobolka Hiiraan Cor Maxamed Mocow in la marsiin doono cadaaladda.

Madaxweynaha oo ka tacsiyeynayay geerida Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Mocow, ayaa qoyska taliyaha iyo Guud ahaan Reer Beledweyne ugu baaqay in ay isdejiyaan oo muujiyaan xasilooni waxaana uu u balanqaaday in cadaalad ay heli doonaan.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Guddiga Dowladda Federaalka ay magacowday iyo Guddi Wasiira ah uu magacaabay baaritaan dhab ah ay ka sameyn doonaan kiiskani cidii fulisay, cidii amartay, iyo ujeedada laga lahaa ayna ka soo bixi doonaan xaqiiqda dhabta, waxaana madaxweynaha uu xusay in uusan ka hor dhaceynin baaritaanka.

Hoos ka daawo shirkiisa jaraa’id.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com