Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ka hadlay qaraxyadii ka dhacay degmada Maxaas

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ka hadlay qaraxyadii ka dhacay degmada Maxaas

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Goleyaasha Maamulka iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Allaha u naxariistee dadkii maanta ku dhintay qaraxyadii ay Al-Shabaab ka geeysteen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Al-Shabaab ay cadow ku yihiin nolosha iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, Isagoo xusay in Al-Shabaab ay ku jabeen dagaaladii lala galay ee looga xureeyay deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa markale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in si wadajir ah ay uga qeybgalaan howlgallada dalka looga saarayo Al-Shabaab oo uu sheegay inay dhibaato kuhayaan dadka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Al-Shabaab waa u dhaqan in qaraxyo ay ku weeraraan goobaha ay isugu yimaadaan shacabka, marna kama ka niyad jabi doonno la dagaalanka Al-Shabaab ayuu yiri” Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dhamaan dadkii ku dhintay qaraxii saaka ee degmada Maxaas in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com