Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ka hadlay weerarkii Liido baaqna u diray Shacabka

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ka hadlay weerarkii Liido baaqna u diray Shacabka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Habeeno ka hor Maqaayad ku taalla Xeebta liido ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyen Cali Guudlaawe ayaa Naxariistii Jano Eebe u weeydiiyay dadka ku dhintay Weerarkaas, halka uu caafimaad u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay, wuxuuna sheegay in Al-Shabaab dowladda kaliya aysan beegsan, hayeeshee Dadka Shacabka ah ay bartilmameed u yihiin.

Wuxuu sheegay inay beenowday in Al-Shabaab ay la dagaalsan yihiin Dowladda Soomaaliya, kaliya hayeeshee ay mar walba weerarada iyo Qaraxyada ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Wuxuu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay hal meel uga soo wada jeestaan, isla markaan ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si Guud ahaan dalka oodhan looga xorreeyo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com