Magacaabay guddi heer Wasiiro ah oo gurmad gaarsiiya dadka ay Al-Shabaab ka gubeen tuulooyin hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraa, isla markaana ka duugeen ceelasha iyo barkadaha isticmaali jireen.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu Magacaabay Guddi ka kooban lix Wasiir, kuwaas oo loogu talo galay qiimeynta iyo u gurmashada dadka ay dhibaatada kasoo gaartay weeraradii Al-Shabaab, waxaana Magacyada guddiga ay kala yihiin.
1: Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Cabdiraxmaan Daahir Guure Guddoomiye
2: Wasiirka Amniga Maxamed Cabdiraxman Kheyre Guddoomiye kuxigeen
3: Wasiirka boostada, Isgaarsinta iyo TIknoologiyada Hir-Shabeelle Cabdifataax Xassan Faarax Xoghayaha guddiga
4: Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Muuse Salaad Wehliye Xubin
5 Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Hir-Shabeelle Faysal Axmed Xasan Xubin
6: Wasiirka Caafimaad iyo Daryeelka Bulshada Zakariye Maxamed Axmed Xubin
COMMENTS