Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Safiir ku-xigeenka Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Safiir ku-xigeenka Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Safiir Ku Xigeenka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Tim Trenkle.

Kulankaan ayaa looga hadlay guulaha muhiimka ah ee laga gaaray dagaalada lagula jiro kooxda Khawaarijta ah ee alshabaab iyo dardargalinta wajiga 2aad ee howlgalada ee lagu ciribtirayo argagixisada oo dhowaan ka bilaaban doona deegaanada Hirshabeelle.

Sidoo kale kulankaan ayaa looga hadlay sare u qaadista mashaaricda horumarineed gaar ahaan muhiimada uu bulshada u leeyahay barnaamijka xasilinta oo lagu hormarinayo deegaanada laga xoreeyay Kooxda Khawaarijta ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com