Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta Jowhar ka furay shirweynaha maamullada, goballada iyo degmooyinka Dowladda Hirshabeelle iyo isku-xirka dadaalada xasilinta.
Shirka waxaa kale oo goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) labada gole ee Dowladda, Guddoomiyayaasha goballada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan, hoggaanka degmooyinka Dowladda Hirshabeelle.
4-cisho ayuu socon doonaa shirweynaha waxaana diirada lagu saari doonaa mudadaasi hannaanka shaqo ee goballada iyo degmooyinka Dowladda Hirshabeelle.
Sidoo kale waxa ay is-dhaafsan doonaan doodo ku aadan qaababka ay u shaqeeyaan waxana ay wadaagi doonaan waayo-aragnimadooda.
“7-sanno oo ay dhisan tahay Hirshabeelle waa shirkii ugu weynaa oo ay Dowlad goboleedka Hirshabeelle u dhan tahay waana farxad weyn, waqtiga aad halkan joogtaan waxaad ogaan doonta halka uu hiigsigeena runta uu yahay.
COMMENTS