Madaxweynaha Hirshabeelle oo shaqo joojin ku sameeyay Mas’uuliyiin amar jebiyay

Madaxweynaha Hirshabeelle oo shaqo joojin ku sameeyay Mas’uuliyiin amar jebiyay

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shaqo joojin ku sameeyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dastuurka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaddib markii ay jebiyeen amar ku saabsan ka hortagga faafitaan Coronavirus.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare oo lagu ogeysiinayay Madaxweyne kuxigeenka, Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Cadaaladda ayaa lagu sheegay sheegay in shaqada laga joojiyay Wasiiru dowlihii Wasaaradda Dastuurka Hirshabeelle Saadaq Mukhtaar Cabdulle iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sh/Dhexe Cali Cabdulle Nuur,kuwaas oo lagu eedeeyey inay jebiyeen amarkii lagu joojiyey isku imaatinka dadka, isla markaana si Sharci darro ah ay ku fureen Goob ay dad badan isugu yimaadeen.

Mas’uuliyiintan shaqada laga joojiyay ayaa qaban qaabiyay kulan lagu soo dhoweynayay nabadoon dhowaan lagu caleema saaray Jowhar, waxaana ay magaalada Jowhar ku qabteen munaasabadda, iyadoo uu jiray amar Maamulka Hirshabeelle soo saaray oo ahaa in aan la qaban karin kulamada iyo isu imaatinka sababo la xiriira Coronavirus.


Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com