Madaxweynaha Jabuuti oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Jabuuti oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Wafdi uu hoggaamimayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goordhow soo gaaray Caasimadda Soomaaliya ee magaalada muqdisho, iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Jabuuti iyo Wafdiga la socda ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde kusoo dhaweeyay Madaxxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo kuxigeenkiisa, qaar kamid ah madaxda dowlad Goboleedyada iyo Xubno ka tirsan labada Golle ee dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada.

Ujeedka Safarka Madaxweynaha Jabuuti u kuyimid Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in uu xarga kajiro doonaan, isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhismaha Xarunta Akeedemiyad Goboleedka Afka Somaaliga oo dhismaheeda ay iska kaashadeen Soomaaliya iyo Jabuuti.

Ammaanka Magaalada muqdisho ayaa Maanta aad loo adkeeyay, waxaana inta badan xiran waddooyinka muhiimka ah ee Caasimadda, iyada oo dadka dhibaato ku qabaan xirnaanshaha waddooyinka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com