Madaxweynaha Kenya oo qaabilay Muuse Biixi

Madaxweynaha Kenya oo qaabilay Muuse Biixi

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdiga uu hoggaaminayay.

Uhuru Kenyatta ayaa Madaxweynaha Somaliland ku soo dhoweeyay Qasriga Madaxtooyada, waxaana labada dhinac ay socod ku mareen qeybaha Madaxtooyada.

Intaas kaddib ayay wada hadalo labo geesood ay yeesheen, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka labada dhinac, ganacsiga iyo arrimo kale.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay mowduucyo kala duwan oo quseeya danaha ka dhaxeeya Kenya iyo Somaliland, maalinta berri ayay mar kale wada kulmi doonaan, si ay u soo gabagabeeyaan wada hadladooda.

Martiqaadka ay Kenya u fidisay Madaxweynaha Somaliland iyo wafdigiisa oo ahaa mid rasmi ah ayaa ahaa kii u horreeyay, iyadoo Somaliland ay sanadkii 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ayna tahay dal madax bannaan, inkastoo aanay weli helin aqoonsi.

Hase ahaatee tallaabada martiqaadka ay Kenya u fidisay Madaxweynaha Somaliland ayaa loo arkaa mid jawaab u ah go’aankii dowladda Soomaaliya ay hoos ugu dhigtay xiriirka labada dal, isla markaana Safiirkeeda ugu yeeratay, halka Safiirkii Kenya lagu amray inuu dalkiisa ku laabto.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com