Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo sheegay in la qabtay Nin ka dambeeyay qarixii ka dhacay Baydhabo

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo sheegay in la qabtay Nin ka dambeeyay qarixii ka dhacay Baydhabo

Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in laamaha amniga Mamulkaas ay gacanta ku dhigeen qof kamid ah dadkii geystay qaraxii dhawaan lagu dilay wasiirkii Wasaaradda Cadaaladda, kaas oo ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha oo la hadlayay Idaacadda Bbc-da wuxuu sheegay in dhawaan ay rajeeynayaan in dadkii soo abaabulay qaraxaas ee katirsan Ururka Al-Shabaab dhammaantood ay gacanta kusoo dhigaan, si sharciga loo marsiiyo

Sidoo kale madaxweyne Lafta Gareen, ayaa walaac xoogan ka muujiyay qaraxyada kusoo badanaya deegaannada maamulkiisa. Isagoo sheegay in aanay horey u dhici jirin.

Qaraxyada ka dhacaya Koonfur galbeed, waa mid ay Al-Shabaab ugu talo galeen inay indhaha kaga jeediyaan howlgalka ay ka wadaan dowlad deegaanka Soomaalida ayuu yiri” Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in ay wadaan qorshooyin wax looga qabanayo qarayxada, Isla markaana ay soo saari doonaan go’aano looga hortagayo, wuxuuna faray laamaha Amniga Koonfur Galbeed inay siweyn u dar dar geliyaan howlaha lagu sugayo Amniga.

Qaraxyo kala duwanaa oo dhawaan ka kala dhacay Magaalooyinka Marka iyo Baydhabo ayaa waxaa lagu dilay Guddoomiyihii Magaalada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow & Wasiirkii Wasaaradda Cadaaladda Koonfur Galbeed Xasan Ibraahim (lugbuur).

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com