Madaxweynaha Maamulka Hiirshabeele oo eedeyn xoogan u jeediyeey Beesha Caalamka

Madaxweynaha Maamulka Hiirshabeele oo eedeyn xoogan u jeediyeey Beesha Caalamka

Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ku eedeeyay beesha Caalamka in aysan siin maamulkiisa xilligii la dhisayay wax taageero ah.

Waxaa uu tilmaamay in beesha Caalamka ay ka gaabisay in ay taageero dhanka dhismaha maamulka ah ay siiso Hirshabeelle oo ay ka jiraan dhibaatooyin kala duwan.

Waxaa uu sheegay in isku tashi maamulka dhexdiisa ah lagu dhisay Hirshabeelle markii ay taageero weysay.

“Beesha Caalamka wax gacan ah oo ay nagu siiyeen majirto dhismaha Hirshabeelle,anaguna waan tashanay” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Madaxweyne Guudlaawe, ayaa ku ammaanay duubabka dhaqanka, guddiyadii doorashooyinka,dhallinyarada iyo ciidamada amniga howshii ay ka qabteen doorashadii Hirshabeelle, isagoo sheegay in beesha caalamka aysan wax kaalin ah ka qaadan doorashada Hirshabeelle.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Hirshabeelle ka codsaday in ay la shaqeeyaan maamulka cusub si dhammaan deegaannada Hirshabeelle ay u noqdaan kuwa dhan walba ka hormarsan oo barwaaqo iyo amni ah.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com