Madaxweynaha oo sagootiyey koox lasocon doonta dacwadda badda Kenya iyo Somalia.

Muqdisho, Sep 18 2016—Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sagootiyey Guddig korjoogta ah oo tagi doona magaalada Hague ee dalka Holland.

Maalinta Berri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Hogue ay ka furanto dhageysiga Dacwada u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadan Muranka Badda.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si sharci ah u martay dacwada badda , islamarkaan ay ku raja weyntahay in ay ku guuleysato.

“Waxaan xalay sagootiyay guddi korjoogto ah oo tagi doona Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada, guddigaan waxay halkaasi u tagayaaan inay la socdaan dacwada u dhaxaysa dalkeena Soomaaliya iyo dalka Kenya ee ku saabsan murranka badda,”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com