Madaxweynaha Puntland oo Bosaaso ku soo wajahan

Madaxweynaha Puntland oo Bosaaso ku soo wajahan

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni iyo wafdigii uu hogaamniayay ee ka qayb galay caleema saarkii madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku soo wajahan magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso waxaa ku sugan mas’uuliyiin katirsan dowladda Nabadoonada gobolka, Isimo, iyo Ururada haweenka.

Amaanka maagaalada ayaa aad loo adkeeyay waxaana waddooyinka qaar lagu arkayaa ciidamada oo amniga sugaya baaritaana ku samaynaya gaadiidka dadwaynaha.

Madaxweyne Siciid Cabdilaahi Deni ayaa inta uu joogo magaalada Bosaaso waxaa lafilayaa in uu kulamo gaar gaar ah uu laqaato bulshada gobolka bari qaybaheeda kala duwan iyo ganacsatada.

Diiwaanka warka.
Daljir Bosaaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com