Madaxweyne Deni oo la kulmay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya (Daawo)

Madaxweyne Deni oo la kulmay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya (Daawo)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo Madaxwyne Ku-xeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan, ayaa kulan la qaatay danjiraha Jabuuti u fadhiya Dalka Soomaaliya Ambassador Aadan Xassan Aadan iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.

Madaxweyne Deni iyo Ambassador Aadan ayaa ka wada hadlay, xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Jabuuti iyo Sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta arimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqalaaha.

Weftiga ayaa maalintii shalay Booqday Dekadda Cusub ee laga dhisaayo Magalaadda Garacad waxana ay soo kormeereen sida ay u socoto howsha dhismaha Dekadda, kulanka ayaa sidoo kale waxa goob joog ka ahaa Wakiilka Puntland ee Jabuuti Mudane Siciid Mahdi iyo Masuuliyiin kale.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com